Jaad laga soo dejiyay Ceel Macaan oo lagu gubay +SAWIRRO

1772

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan qaybta 27-aad ayaa gacanta kusoo dhigay jaad si sharci daro ah looga soo dejiyay dekadda Ceel Macaan ee kutaala duleedka magaalada Muqdisho.

Jaadkan ay soo qabteen ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa saakay lagu wareejiyay ciidamada Booliska gaar ahaan taliyaha laanta Canshuuraha , waxaana jaadkan isla maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidanka ee ka hadlay goobta jaadkan lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in Jaadkan uu ahaa mid sharci daro ah laga soo dejiyay dekadda Ceel Macaan lana doonayay in lasoo galiyo Muqdisho si loogi iibiyo.

Jaadkan ayaa ugu dambeyn lagu gubay goob fagaare ah, waxa ayna saraakiisha booliiska digniin u direen dadka jaadka sharci darada ah oo galiya magaalada Muqdisho xili dowlada amartay in aan jaadka dalka la keeni karin si looga hortago Cudurka Covid-19.