Jaad lagu qabtay Garoonka Muqdisho oo lagubay +VIDEO

1979

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah garoonka diyaaradaha Muqdisho ku gubtay Jaad ay sheegtay in si qaldan dalka loo soon geliyay.

Wasiirka gaadiidka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar oo saxaafadda u xaqiijiyay warkaas ayaa laga soo xigtay jaadka ay gacanta ku dhigeen ciidanka amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli la doonayay in si qaldan dalka lagu soo geliyo.

Wasiirka ayaa sheegay in jaadkaas la isku dayey in lagu soo dhax qariyo Fasixii dullimaadka labada maalmood ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay xilli dowladda Soomaaliya ay horay u mamnuucday in dalka la soo geliyo jaadka si looga hortago cudurka coronavirus.