Jabhad taageersan Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagaga dhawaaqay Awdal

55

Waxa gobolka Awdal lagaga dhawaaqay jabhad la magac baxday Gurmad, oo ka cadhootay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Jabhada oo muuqal kasoo duubtay buur ku taala gobolka, ayaa madaxweynaha Somaliland ugu baaqday in uu si deg deg ah kusoo daayo xildhibaanka, hadii sida la yeeli waayana ay xoog isticmaali doonaan.

“Haduu kusoo dayn waayo 72 saacadood gudahood ninkaa xildhibaanka aanu u dooranay ee Maxamed Abiib hadii uu caawa kadib dhaxo waad arki doontaa” mid kamid ah jabhada ayaa sida ku hanjabay.

Jabhadu waxa ay sheegtay in Madaxweyne Biixi uu sharciga Somaliland ku tumanayo, isla markaana uu ka baxay dastuurkii ay ku heshiiyeen dadku.

“Waxa maanta buurta na saaray annaga oo ah dad reer Somaliland ah dhibaatada uu samaynayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku ciyaaray sharciga wixii aanu ku heshiinay uu sagu laalay” mid kamid ah xubnaha jabhada ayaa sida yidhi.

Jabhadan ayaa ka dhalatay xadhig ay xukuumada Somaliland kula kacday Xildhibaan Abiib oo kasoo jeeda deegaanka jabhada lagaga dhawaaqay, xildhibaanka oo xabsiga la dhigay isaga oo aan dhawrsanaanta laga qaadin ayaa xidhan muddo ka badan 10 cisho.