Jabuuti oo qiil la yaab leh u sameysay Xariga Duuliye Fu’aad Yuusuf +Video

1675

Qaar ka mid ah Gobolada dalka Jabuuti waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeda xariga askeriga gadooday ee dhawaan soo duubay muuqaal uu uga sheekeynaya sida loola dhaqmay inta uu xasbiga ku jiray.

Muddaaharadayaal careysan ayaa taayeero ku gubay waddooyinka iyagoo dalbanaya in la sii daaya Fu’aad Yuusuf Cali oo horay u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jibuuti.

Xeerilaaliyaha dalka Jabuuti ayaa sharci daro ku tilmaamay tilaabadda ay qaadeen dadka Banaanxyadda dhigay, islamarkaana Sharciga la marsiin doono.

Waxaa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay Askariga xiran iyo waxyaabaha lagu soo eedeeyay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in Fu’aad Yuusuf loo haysto inuu diyaarad milateri xadi rabay iyo inuu xiriir la sameeyay dal Jabuuti ay cadaw yihiin.

Waxaa uu tilaamay in uu fu’aad mari doono Sharciga, islamarkaana laga doonaayo dadka reer Jabuuti in ay kalsooni ku qabaan Garsoorka.

Xaaladda dalka Jabuuti ayaa maanta deggan ka dib markii ay shalay halkaas ka dheceen banaanbaxyo ay dhigeen dad ka caraysan askarigaas ka tirsanaa ciidanka cirka oo laga soo musaafuriyey dalka Itoobiya ka dibna gacanta loo geliyey dawladda Jabuuti.