Jabuuti oo saldhig ciidan siisay ciidamada badda Itoobiya

2048

Dowlada Itoobiya ayaa sameesatay ciidamo cusub oo kuwa badda ah, waxa ay sidoo kale dowladaasi soo iibsatay Maraakiib dagaal iyo doonyo ay adeegsanayaan ciidanka cusub ee Badda ee dib loo howlgaliyay.

Waxaa xusid mudan in dowlada Itoobiya aysan laheyn bad xili ay sameesatay ciidamada badda, waxaana la isweedinayay mudooyinkii dambe halka ay saldhig ka dhigan doonaan ciidanka Badda Itoobiya.

Ciidamada Badda ee Itoobiya ayaa lakala diray markii Dowlada Eritrea ay ka go’day Itoobiya inteeda kale, waxaana ciidamada badda Itoobiya markii hore saldhig u ahaa Eritrea oo Itoobiya horey uga tirsaneyd.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa maalmihi lasoo dhaafay baahiyay war ku aadan in ciidamada Badda ee Itoobiya saldhig ka dhigan doonaan Dalka Jabuuti halka taliska ciidanka badda laga dhigi doono Magaalada Bahir Dar ee gudaha Itoobiya.

Wargeyska the capital ee ka soo baxa dalka Itoobiya, oo soo xiganayay ilo katirsan dowlada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada Badda ay saldhig ka dhigan doonaan dalka Jabuuti kadib heshiis hoose ay gaareen madaxda labada dal.

Sida uu ku waramay Wargeyska Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Abiy Axmed ayaa safarkii ugu dambeeyay ku tagay dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlay saldhiga ciidamada Badda Itoobiya ku yeelanayaan Jabuuti.

Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax ayaa sheegay in uusan jirin Heshiis rasmi ah oo dhax maray dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti oo ku aadan saldhiga Ciidamada Badda Itoobiya ka dhiganayaan Jabuuti.

“Warkaas waa war jaraa’idada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah, ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen, haddii ay noqota in heshiis la gaarana wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, jabuuti iyo Itoobiya”, ayuu yiri Denjire Maxamed Idris.

Dowlada Itoobiya markii ay shaacisay in ciidankeeda badda dib loo howl galinayo ayaa waxaa ka dhalatay iseeediin ku aadan halka ay saldhig ka dhigan doonaan, waxaana la hadal hayay in midkood ka dhigan doonaan Dalalka Ertirea , Jabuuti iyo Soomaaliya.