James Swan oo kahadlay shirkii ay layeesheen Maamul Goboleedyada

1481

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa soo dhaweeyay dadaalada la xiriira xal ka gaarista khilaafka doorashooyinka oo ay Muqdisho ka wadaan Madaxda dowlad Goboleedyada.

Amb, James Swan oo ka hadlayay Kulan Wakiilada Beesha Caalamka & Madaxda dowlad Goboleedyada ku dhex-maray Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dadaalada Madaxda dowlad goboleedyadasi looga dhameystiro heshiiskii 17-kii Sebteembar.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”- ayuu yiri” wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan,

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jireen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida six al looga gaaro arrimaha doorashooyinka.