James Swan oo lagu dacweeyay Golaha Ammaanka QM

1804

Golaha Isbadal Doonka Jubaland ayaa Golaha Ammaanka ee QM u diray dacwad ka dhan ah ergeyga gaarka ah ee xogahayah guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal ay Golaha u direen Golaha Ammaanka ayey ku sheegeen in tan iyo markii Swan uu madax ka noqdan xafiiska QM ee Soomaaliya bishii May 2019, ay luntay sharaftii iyo aaminaddii lagu qabay xafiiska QM ee Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen in Swan uu ceersanayey danaha dhinacyo gaar ah, kuwaas oo horseeday dagaallo, islamarkaana ka horimanaya ujeedooyinka iyo mabaadi’ida axdiga ee QM ee Soomaaliya iyo xafiiska uu u dhaartay.

Golaha ayaa sheegay in warqaddii kasoo baxday xafiiska UNSOM 28-kii April ee lagu taageeray heshiiska Axmed Madoobe iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintii kaso horjeeday, ay tahay go’aan uu ku taageerayo musharax ku guuleystay hanaan doorasho oo aan dhameystirneyn oo dhacay bishii August 2019.

Golaha ayaa sheegay in Swan uu la saftay afar nin oo ay sheegeen inay isku beel yihiin, oo heshiis gaaray, isaga oo iska indha tiraya 32-ka beel ee kale ee wax ka dega Jubaland.

Sidaas darteed, ayay yiraahdaan golaha, Swan hadda kadib lagama soo dhoweynayo deegaanda Jubaland, “waxaana codsaneynaa in laga qaado xilka xafiiska QM ee Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka