Jawaari waa in Beesha Caalamka warkeeda meel la iska dhigo

2125

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo xalay ka qeyb galay Barnaamij Dood Wadaag ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo waliba faragelinta Beesha Caalamka Soomaaliya.

Mudane Jawaari ayaa sheegay marka hore in muhiimad gaar ah leedahay dhameystirka Dastuurka oo soo afjaraya is qabqabsiga iyo loolanka u dhaxeeya madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Jawaari ayaa naqdiyay danaha caalamka uu ka leeyahay Soomaaliya xiligan waxaana uu si dad badan u taageeray inaan warkooda muhiimad gaar ah la siinin, isagoo yiri” intaan leenahay Beesha Caalamka maxey tiri, safiir hebal muxuu yiri horay uma soconeyno, safiirada jooga wadanka waa Danjireyaal, danahiisa inuu kaa fushado mooyee ujeedo kale malahan”

Waxa uu intaa ku daray Jawaari in Beesha Caalamka warkeeda meel la iska dhigo, isagoo tilmaamay ineysan ka hor imaan karin dowladda Federalka maadama aan dano kala duwan ka leeyihiin.

Jawaari ayaa xusay iney Soomaalida u kala dab qaadaan oo midba midka kale oo ay la kulmaan uga sheekeeyaan wixii dhexmaray kii ka horeeyay.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qirtay in Dowladii Xasan Sheekh in Beesha Caalamka ay galaan gal weyn ku laheyd go’aamada la gaarayo islamarkana faragelin nuuc walba ah ay ku heyso dalka, wuxuuna uu tibaaxay in hadda aysan sidaas aheyn oo ay Ilko beeleen.

“2016-kii Doorkii ay ku lahaayeen Beesha Caalamka Soomaaliya iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya, maanta waa ilka beeleen, laakiin markaas qoorta bey nooga dhaganaayeen, hadda waxey xooga saarayaan danta ay Dowladda Federalka ka rabaan, hadda doorkooda ma ahan in Dowladda Federalka ama maamul Goboleed ku soo hogaamiso danahooda, marnaba laga sugi mayo iney dadka isku keento iney Soomaalida isku imaadaan mooyee” ayuu yiri Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya hadana ah xubin katirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka.