Jen. Zakia oo laga qaaday xilka taliye xigeenka Boliska

124

Taliye ku-xigeenkii Booliska Soomaaliya Gen. Sakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay gacankeeda Facebook ku sheegtay in xilka laga qaaday

Waxay sheegtay in lagu baddelay Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed oo mar soo noqday Taliye ku-xigeenka NISA.

Gen. Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii ugu waaweynaa mucaaradka Farmaajo, waxaana xiligaas laga xayuubiyey darajadii ciidanimo, inkastoo uu u soo celiyey Madaxweyne Xassan Shiikh markii uu xilka la wareegay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ZAKIA

Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto

5 sano iyo 10 bilood khidmeyn sare
2 Madaxweyniyaal
3 Raisul-Wasaare
3 Wasiiro Amni
3 Taliyaal Boliis
Hirgelinta qadka 991

Abuurid koox (50) gabdho ka mid ciidanka gaarka
Hirgelinta ILA WADAAG FORUM (Bolis &Bulshada)
Hirgelinta Operation 3G (Haweenka & Amniga)
Ragga Soomaliyeed baro micnaha TALISO

Rabbigii fursad ii siiyay in intaas oo madax ah aan la soo shaqeeyo, intaas oo mashaariic aan hirgeliyo oo hada i fasaxay anigoo eed la ii heysan ayaa mahad oo dhan leh

Waxaa shalay Boliiska ku soo biiray iyadoo sareeyasha ay lebiska ku watan bac iyagoo baqaaya in la dilo. Waxaana manta ka tagaayaa iyagoo ku faani karo Boolisnimada iyo Bulshada oo haysato meel Boliis kala xiriiraan iyo kala xisaabtamaan.

Dadkii igu garab istaagay inaan gaaro guulaha kor ku xusay, abaalkiina ma gudi karo. Inta yareed oo aaminsaneed in caqabo ku ahaa danahooda gaarka ah, garoonka waa idiin baneeyee dhoolatuskiina gala.

Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee! Hada is weydisaan Gaabeey xagee hada ka dhici doontaa? Waxaa idin leeyahay Gaabeey waa Gabar Soomaliyeed oo weli Generaal ah welina Heegan Buuxa ugu jirta u khidmeynta Dalkeeda, Dadkeeda & Diinteeda

Gobonimo Geesinimo Guul

Gen. Zakia Hussein