Jeneraal Muungaab oo xil culus loomagacaabayo

283

Sida aan xog lagu kalsoonaankaro noosheegeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacabaya Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, isagoo xilka ka qaadi doona Suleymaan Maxamed Maxamuud oo hadda xafiiska jooga.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), loo magacaabi doona Xeer Ilaaliyaha Guud ee cusub.

Muungaab ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo mid kamid madaxda Hay’addaha Garsoorka.

Xeer Ilaaliye Suleymaan Maxamed ayaa kasoo jeeda deegaanada Puntland, waxaana xafiiska uu joogay sannado, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana magacaabay.