Jeneral Xirsiile oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Galmudug

1924

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa uu Maanta Magacaabey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wareegto kasoo baxdey Xafiista Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta qeybta Galmudug waxaa loogu Magacaabey Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta qeybta Galmudug loo Magacaabey ee Xirsiile ayaa horay waxuu u ahaa Taliyiha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Magacaabista Taliyaha Guud ee Ciidamada Asluubta Galmudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli shalay Dowladda Federaalka ay Magacaawdey Taliyaha Ciidanka Asluubta Qeybta Jubbaland.