
Jilaaga caanka ah ee Hollywood-ka, Rob Reiner, iyo xaaskiisa Michele Reiner ayaa laga helay iyagoo meyd ah gurigooda oo ku yaalla magaalada Los Angeles, sida ay weriyeen warbaahinta Mareykanku.
Booliska Los Angeles ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay baarayaan geerida laba qof, taas oo loo maleynayo inay tahay dil qorsheysan, ayadoo Ciidanka dab-damiska ee Los Angeles ay xaqiijiyeen in ay ka jawaabeen codsi gargaar caafimaad wax yar kadib 3:30 galabnimo ay ku ogaadeen nin 78 jir ah iyo haweeney 68 jir ah oo meyd ah.
Warbaahinta Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsatay labada qof inay yihiin Rob Reiner, oo ah agaasime iyo jilaa caan ah, iyo xaaskiisa Michele Reiner.
Ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah oo la hadlay wakaaladda wararka AP, balse codsaday inaan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in labada marxuum lagu arkay dhaawacyo mindi, isla markaana xubin ka tirsan qoyska lala xiriirinayo dhacdada, su’aalo ayaana la weydiinayaa.




















