Jorginho La Xaqiijiyay In Uu Ka Tagi Doono Chelsea

1390

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa qirtay in xiddiga reer Italy isaga tagi karo kooxda Stamford Bridge taas oo ku xidhnaan doonta kooxda uu tababarihiisii hore ee Maurizio Sarri Ku biiro.

Sarri iyo Jorginho ayaa ka soo wada shaqeeyay Kooxaha Napoli iyo Chelsea ka hor intii uuna Sarri ka tagin chelsea kuna biirin kooxda Juventus.

Tababarihii hore ee chelsea ayaa bilaa shaqo ah kadib markii laga caydhiyay shaqada Juventus laakiin wakiilka Jorginho ee Joao Santos ayaa sheegay in uu xiddigu ku laaban doono Italy hadii uu Sarri tababare u noqdo koox kale.

Isaga oo la hadlaya Calciomercato, Santos ayaa yidhi: “Aad ayuu ugu faraxsan yahay Frank Lampard chelsea-na xitaa way ka fiicnaan kartaa sidii xilli ciyaareedkii hore”.

“Ku dhamaad xiddigaha reer Italy waxa ay ka ciyaaraan horyaalka Serie A-da waana horyaal muhiim ah waxana uu ka tagi lahaa hadii uu Maurizio Sarri uu sii joogi lahaa Juventus”.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN