Jorginho Oo Sharaxay Sababtii Ay Chelsea Guuldarada Uguala Kulantay West Ham

1638

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Jorginho ayaa sheegay in sababtii ay Chelsea guuldarada ugala kulantay West Ham ahayd in ayna Blues ka faa,iidaysan fursadihii ay heshay.

Kooxda Chelsea ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay West Ham kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge kulan ka tirsanaa horyaalka premier league.

Jorginho ayaa sheegay in ka faa,iidaysi la,aanta fursadihii ay chelsea heshay in ay sabab u tahay in ay guuldaro kala kulmeen kooxda West Ham kuwaas oo soo afjaray 17 sano oo ayna guul ku gaadhin Stamford Bridge.

“Waxan u malaynayaa in aanan ahayn kuwo dhamaystiri karay fursadaihii aan helnay, waxa aan u baahanahay in aan goolal u badalno fursadaha aan helno”ayuu Jorginho yidhi.

“Sababta ugu weyn ee guuldarada ayaa ahayd in aan iska khasaarinay fursado badan waliba Nalaga dhaliyay gool, kadib waxa Adkaaday xaalka”.

Kadib guuldaradaas chelsea ayaa iska khasaarisay in ay la dhibco noqoto kooxda Man City kuwaas oo bar-baro lagu qabtay haatana leh 29 dhibcood halka ay Blues leedahay 26 dhibcood.