Jose Mourinho Oo Guul Ku Bilowday Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Uu Hogaamiyo Tottenham, West Ham Ayay Jiidheen

1732

Kooxda Tottenham aya guul ku soo dhawaysay soo laabashada Jose Mourinho ee premier League kadib markii ay garaaceen kooxda ay jaarka yihiin ee West Ham.

Tottenham ayaa durba u muuqata kuwo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican iyaya oo 60% gaadhsiiyay kubada haysashada kana awood badnaa kooxda West Ham.

Daqiiqadii 36-aad ayay kooxda Tottenham dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu Son Heung-min u dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Jose Mourinho ee kooxda.

Tottenham ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso goolal iyaga oo qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn si ay u sii dheeraystaan hogaanka.

Daqiqiadii 43-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lucas Moura kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Spurs ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Tottenham ku hogaaminayso si qurux badana waliba u ciyaartay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Tottenham si dar-dar leh ku bilaabatay waxana ay daqiqiadii 49-aad dhaliyeen goolka 3-aad ee ciyaarta oo ay Tottenham ku dheeraystay hogaanka.

Laakiin wixii intaaska dambeeyay ayay West Ham ciyaarta qaab fiican soo bandhigtay iyaga oo Tottenham kala wareegay ciyaarta.

Daqiiqadii 73-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Michail Antonio kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Kooxda Westham ayaa sii waday weerarka itaga oo daqiiqadii 90-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu Jose Mourinho u bilowday guul soo laabashada premier League.