Jose Mourinho Oo Premier League Bil Gudohood Kaga Hor Tagi Doona Labadii Kooxood Ee Uu Horay U Soo Tababaray

1627

Jose Mourinho ayaa noqday tababaraha Cusub ee kooxda Tottenham isaga oo shaqada ka badalay tababare Mauricio Pochettino kaas oo laga caydhiyay Shaqada kooxda Kadib qaabkii xumaa ee ay ku bilaabatay kooxdu.

Tababaraha reer Portugal ayaa haatan isku diyaarinaya in uu hogaamiyo kooxdii 3-aad ee horyaalka premier League marka todobaadka dambe dib u bilowdaan kulamada horyaalka premier League.

Jose Mourinho ayaa muddo bil gudeheed ah kaga hor iman doona labadii kooxood ee uu horay tababaraha ugu soo noqday horyaalka premier League kulamo ka tirsan horyaalka premier League.

Tottenham ayaa marka hore 4 bisha dambe marti u noqon doonta kooxda Man United iyada oo uu Jose Mourinho ku laaban doono Old Trafford oo bilo ka hor laga caydhiyay shaqada kooxdaas.

Kadib isla bishaas gaar ahaan 22 bisha dambe ayuu Jose Mourinho ka hor tagi doonaa kooxdiisii hore ee Chelsea kulan ay Spurs marti galin doonto kooxda Blues.

Sidoo kale Jose Mourinho ayaa ka hor iman doona xiddigiisii hore ee Frank Lampard kulanka Chelsea ee horyaalka.