Jowhar askari dilay gabar yar oo 8 sano jir ah

1581

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in askari uu ku diley bartamaha magaalada Jowhar gabar yar oo siddeed sano jir ah.

Dilka oo ka dhacay suuqa lagu iibiyo jaadka ayaa aad uga argagaxay shacabka ku nool magaalada Jowhar iyadoo gabadha la diley ay ka mid ahayd carruur munaasabada ciidda awgeed u yimid magaalada Jowhar.

Mid ka mid ah ehelada gabadha ayaa sheegay in gabadhan laga keenay magaalada Muqdisho iyadoo ay u timid Jowhar si ay ugu ciido.

Askariga dilka geystey ayaa lagu xirey saldhigga magaalada Jowhar iyadoo ciidamad boolisku sheegeen in sharciga la horgeyn doono.