Jubaland Oo Shaacisay Inay Ka Qeyb Galayso Shirka Uu Ku Baaqay Rooble

831

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay mar walba dardar galinta howlaha Doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalka Soomaaliya ku jiro.

Jubbaland ayaa caddeysay inay meel wanaagsan marayaan dadaalada ay guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, diyaar garoowna uu ka socdo Magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu shaaciyay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu diyaar u yahay ka qeyb galka Shirka uu Iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan diyaar u nahay ka qeybgalka shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha Doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Puntland ayaa ku dhawaaqday inay ka qeyb galayaan Shirka uu Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta, halka Maamulka Koonfur Galbeed uu diiday ka qeyb galka Shirkaas oo ka dhacaya Muqdisho.