Jubbaland oo digniin u dirtay siyaasiyiinta diidan mudo kororsiga Axmed Madoobe

219

Duqa magaalada Kismayao Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Farawayne) oo la hadlay warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbaland oo dhowaan ku shiray magaalada Muqdisho, kuwaas oo si cad uga horyimid muddo kordhinta Axmed Madoobe.

Farawayne ayaa u digay siyaasiyintaasi, wuxuuna shaaca ka qaaday inay abuurayaan carqalad ka dhan ah Jubbland, kadib muddo kororsigii Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu difaacay muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha maamulka Jubbaland, isaga oo tilmaamay si qaldan loo turjumay, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii hotel Maa’ida la fariisto dadka halaga maago, arrintaas hala iska daayo waa ceeb. Haddii arrintaas billaabatana nin walba waa isdifaacayaa,” ayuu yiri duqa Kismaayo

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Hadii makarafoonada bataan nin walba kitaabkiisa qoorta loo surayaa,” .

Siyaasiyiinta Jubbaland ee diiday muddo kororsiga Axmed Madoobe, kuna shiray Muqdisho ayaa ku dhowaaqay isbaheysi, waxaana ka soo muuqday Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaan Axmed Madoobe.

“Wax talo ah oo Senatorradii ama Xildhibaanadii laga soo doortay Jubbaland uu Axmed kala yeeshay mudo kororsigaan ma jirto, wuxuu ahaa go’aan shalay soo bilowday oo isla shalay lagu kala baxay,” ayuu yiri Senator Fartaag oo ka hadlay xaaladda cakiran ee Jubbaland.

Si kastaba, baarlamaanka Jubbaland ayaa todobaadkan hal sanno oo dheeri ugu daray muddo xileedka Axmed Madoobe, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi.