Jubbaland oo ka codsatay Xasan Sheekh in gacantooda kusoo celiyo Gedo

687

Maaamulka Jubaland ayaa waxay sheegeen in Madaxwaynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu gacanta Jubbaland dib ugu soo celiyo maamulka Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta dowlad Goboleedka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo Idaacadda BBC-da u waramay ayaa sheegay in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu xal u helo arrinta Gobolka Gedo.

Dowladda Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulka Jubbaland ayaa saddexdii sano ee u dambeysay waxay isku hayeen maamulka gobolka Gedo.

“Hadda waxaan ka rajeynaynaa dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah sida sharciga ah ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubaland.

Waxaa uu wasiirka inta ku daray in sidoo kale ay doonayan in dib u heshiisiin laga sameeyo gobolka Gedo maadama uu khilaaf ka taagnaa sanooyiinkii u dambeeyay.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa farta ku fiiqay in dowladda cusub iyo maamulka Jubaland ay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii ay dowladdii madaxwayne Farmaajo geysay Gedo halkaasi laga soo saaro.

“Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la’aanta lagu keenayna meesha laga saaro maamul ay dadka ogol yihiin-na loo dhiso sidaa la ajligeed Gedo-na ay ku soo noqoto sharciyadii Jubaland sidaa ayaa noo qorsheysan” ayuu intaa ku daray.

Dowladdii Maxamed Farmaajo ayaa Gobolka Gedo ku daabushay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo la dejiyay degmooyin ka tirsan Gobolka, sidoo kalena waxaa ay dowladdii Farmaajo Jubbaland kala wareegtay Gobolkaas, waxaana arrintaas ay sababtay dib u dhaca weyn ee ku yimid doorashadii dalka, wallow markii dambe Jubbaland ku guuleystay Xildhibaanadii Ceelwaaq.