Jubbaland oo war saxafdeed ka soo saartay xaalka wasiirka amniga Jubbaland

1790

War-saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa walaac looga muujiyey halka uu ku dambeeyo wasiirkii amniga Jubbaland, oo maanta ay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii lagu xiray.

Warka ka soo baxay Jubbaland waxaa lagu sheegay in wasiirkii aan weli nolol iyo geeri toona lagu heyn, isla markaana mudadii ka badneed shanta bilood ee uu u xirnaa dowladda aysan jirin cid aragtay xattaa qoyskiisa oo loo diiday.

Jubbaland waxay sheegtay in arintaan ay sii murjineyso xiriirka markii horaba cakirnaa ee kala dhexeeya dowladda federaalka, waxayna ka dalbadeen inay dowladdu meel ku sheegto wasiirkooda raq iyo ruux.

Sidoo kale Jubbaland ayaa warkeeda ku sheegtay in umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ogeysiineyso in wixii soo gaara wasiir Janan ay cawaaqibkii ka dhasha dusha u rida doonto dowladda federaalka.
Ad by Valueimpression

Halkan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka Jubbaland