Jurgen Klopp Oo Kashifay Sababtii Uu Kaydka U Dhigay Mohamed Salah & Fursadihiisa Kulanka Napoli

1672

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa Kashifay sababtii uu kaydka u dhigay xiddigiisa Mohamed Salah kulankii Crystal Palace ee horyaalka premier league.

Mohamed Salah ayaa Kaydka ku bilowday kuna dhamaystay kulankii ay kooxda Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka Tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 13-aad.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Salah Wax tababar ah ma qaadan muddo 9 maalmood ah”.

“Laba maalmood ka hor waxa uu tababarka qaatay 60% iyo 70% laakiin Jimcihii ayuu 100% u qaatay tababarka”.

“Sidaas darteed waxa aan doorbidnay in uu kaydka ku bilowdo soona galino hadii aan u baahano laakiin taasi may dhicin”.

Tababare Jurgen ayaa xaqiijiyay in uu Mohamed Salah taam buuxa u noqon doono kulanka ay kooxda Liverpool marti galin doonto Napoli kana tirsan champions League.