Jurile oo loodiiday inuu utartamo kursiga HOP#222

1194

Cabdirasaaq Cusman Xasan “Jurile”, oo kamid ahaa jilib culusta siyaasiyiinta Puntland ku matala BJFS ayaa waayay kursiga HOP#222, oo uu muddo quud-dareynayay.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, oo ah Isimka guud ee beel-weynta Dashiishle, ayaa kursiga HOP#222 u xiray beesha Cabdikariim Cabdalle, oo uusan kasoo jeedin Cabdirisaaq Jurile.

 

Jurile ayaa horay u waayay kursigii uu ku fadhiyay 4 sano ee lasoo dhaafay ee Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, u xiray kursigan Wasiirkiisii Dekedaha Senator Maxamed Cabdi Cismaan “Majiino”.

Maxaa sababay in Jurile uu waayo kursiga HOP#222 ?

saraakiil kamid ah Madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku cadaadiyay Ugaas Xasan inuu kursiga HOP#222 la dhaafiyo jifida Cabdirisaaq Jurile, si uu u geysto qof uu wato, taas oo uu Ugaasku aqbalay.

Go’aanka ayaa yimid kaddib khilaaf soo kala dhexgalay Siciid Deni iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo saaxiib dhow ay yihiin Jurile. Khilaafka Deni iyo Faroole ayaa salka ku haya kaddib markii Faroole uu Siciid Cabdullaahi Deni uga baxay inuu siiyo codka hoolka doorashada Muqdisho, maadama uu yahay musharrax Madaxweynaha DFS, balse Faroole uu uga diga-rogtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharrax Shariif Sheekh Axmed.