Juxa “Kani waa Afgembigii 2-aad”

863

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha XFS Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu afgembiyay Villa Soomaaliya, kaddib 21 sano oo dib loo dhisayay dowladnimada Soomaaliya.

Cabdi Faarax Siciid (Juxa), oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in qoraalkii xalay ka soo baxay Farmaajo uu ahaa, mid uu ku laalay hannaankii doorashada ee dalka ka socday iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxa kali ah ee maanta dalka ka jiran uu yahay ‘Farmaajo oo sanad kahor muddo-xileedkiisii dhamaaday’.

Halkaan hoose ka Akhriso qoraalka Wasiir Cabdi Faarax Juxa.

FARMAAJO OO AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB

Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay.

Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto.

Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti ah, VILLA Somaliyana aysan saamayn ku lahayn.

Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay.