Ka Dib Markii Uu Seegay Ballon d’Or-ka Ronaldo Oo Ku Guuleystay Xiddiga Sanadka Horyaalka Italy

1656

Ronaldo ayaa xalay ka maqnaa xafladdii lagu bixinayay abaal marinta xiddiga sanadka ee ay bixiso majaladda France Football ee ka dhacday magaalada Paris .

Ronaldo ayaa dhankiisa la gudoonsiiyay abaal marinta laacibka sanadka ee horyalka Talyaaniga waxa ayna xafladaas ka dhacday magaalada Milano

Abaal marintaas waxaa u codeeya qaar ka mid ah ciyaartooyda , tababarayaasha , garsoorayaasha iyo wariyaasha .

Bartiisa Instgramka ayuu soo dhigay sawirka abaal marintaas waxa uuna Ronaldo ku soo qoray ” waxaa ii sharaf ah in aan noqday xiddiga ugu fiican horyaalka Italy”.

” Horyaalka Italy waa mid adag balse waan ku faraxsanahay, sanadkeyga igu horeeyay Italy ayay aheyd waana ku faraxsanahay guulaha aan ka soo hoyiyay”

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu booska sedexaad ka galay kala sareynta abaal marinta kubadda dahabka