Kaalintee Ayay Man United Kaga Dhamaystay Horyaalka Xilli Ciyaareedkii Ay 18-ka Dhibcood Ka Heshay 14-kii Kulan Ee Ugu Horeeyay Premier League?

1706

Kooxda Man United ayaa gashay bar-baro kale oo horyaalka premier League ah kadib markii ay dhaafi wayday kooxda Aston Villa kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa gashay bar-barihii 6-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya badiyay 4 kulan lagana badiyay 4 kale horyaalka.

Kooxda Red Devils ayaa bar-baro la gashay kooxaha Liverpool, Arsenal, Wolves, Sheffield United, Aston Villa iyo Southampton.

Hadii aynu ku soo laabano dhibcaha ay United ilaa haatan ka heshay 14 kulan ee ay ciyaartay waa 18 dhibcood waana markii ugu horaysay ee ay dhibachaas ka hesho premier league kulamadaas ay ciyaartay tan ilaa 1988/1989-kii markaas oo 18 dhibcood ka heshay 14-kii kulan ee ugu horeeyay premier League.

Waxana ay Man United xilli ciyaareedkaas horyaalka kaga dhamaysatay kaalinta 11-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.