Hay’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa shaacisay in wixii ka dambeeya 31-ka bishaan Oktoobar ee sanadkan 2025, qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka inuu noqon doono adeeg lacag lagu bixiyo.
NIRA ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in mudada ka horeysa 31-ka bishan Oktoobar ay fursad u tahay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan weli qaadan kaarkooda inay si bilaash ah u dalbadaan.
“Muddada Khidmad-dhaafka Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku waxa ay ku eeg tahay 31-ka Bisha Oktoobar. Fadlan ka faa’idayso fursadda oo iska diiwaangeli Xarunta NIRA ee kuugu dhow!” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NIRA.
Qoraalka kasoo baxay Hay’adda diiwaan galinta Kaarka aqoonsiga Qaranka ee NIRA laguma shaacin inta uu dhan yahay qarashka ay ku bixin doonto hay’adda qaadashada kaarka aqoonsiga Qaranka.
Talaabadaan ay soo rogtay hay’adda NIRA ayaa imaaneysa, iyadoo mudooyinkii dambe goobaha laga bixiyo kaarka aqoonsiga Qaranka si weyn looga dareemayay saxmad xooggan, maadaama dadka samaysanayo Kaarka ay safaf dheer dheer u galaan.