Kabo uu Ku Ciyaaray Michael Jordan oo 560-Kun Dollar lagu iibsaday

1690

Xiddiga kubada koleyga ee dalka Mareykanka Michael Jordan, ayaa kabo ku ciyaaray xilli ciyaareedkii 1985-tii lagu iibsaday lacag waali ah, kadib markii kabahaasi shirkad heesatay ay suuqa soo dhigtay.

Lacagta lagu iibsaday kabahan oo gaareysa 560-Kun oo Dollar ayaa noqotay rikoorkii ugu qaalisanaa ee kabo lagu iibsado, waxaana kabahan Jordan uu xirnaa sanadkii 1985-tii xiligaa uu katirsanaa kooxda kubada koleyga ee Chicago Bulls.

Shirkada Sotheby ayaa suuqa iibka soo dhigtay kabahan uu xirtay halyeyga looga dambeeyay kubada koleyga, waxa ayna shirkada fileysay in kabahan lagu iibsan doono lacag gaareysa 150-kun oo dollar balse si lama filaan ah lacag ka badan loogu iibsaday.

Kabaha lagu iibsaday lacagta ka badan Nus milyan Dollar ayaa hada noqday kuwa ugu qaalisan ee lalaka iibsado, waxaana kabahan iskoorka ka jabiyeen kabo shirkada NIKE soo saartay sanadkii 1972-dii oo lagu iibsaday lacag dhan 438 kun doolar .