Kamaal Guutaale oo taageerey Madaxweyne Qoorqoor

1861

Kamaal Daahir Guutaale oo kamid ah Musharaxiintii u tartameysay xilka Madaxweynaha Galmudug, hayeeshee doorashada qaaday ayaa Caawa ka hadlay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Gamaal Guutaale oo War qoraal soo saaray ayaa waxaa hambalyo ugu diray Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaasi oo lagu doortay Dhuusamareeb, isla markaana ay taagersan tahay dowladda Federaalka.

Sidoo kale Gamaal Guutaale ayaa Madaxweyne Axmed Qoorqoor ugu baaqay inuu ka shaqeyo horumarka Galmudug iyo sidii uu isugu keeni lahaa dhinacyada kala duwan ee isku haaya arrimaha siyaasadda Galmudug.

Dhinaca kale Mr Gamaal ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay aysan marnaba tanaasul ka sameeyn qodob walba oo isku qabtay mudadii uu socda dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

“Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah” ayuu yiri Kamaal Guutaale.

Si kastaba Kamaal Guutaale ayaa kamid ahaa Musharaxiin dhowr ah oo si weyn uga soo horjeeday Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Galmudug u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha maamulkaas hogaamin doona Afarta sano ee soo socota.