Karim Benzema Oo Sii Dheeraystay Hogaanka Gool Dhalinta La Liga, Halkee Ayuu Lionel Messi Ku Jiraa?

1788

Karim Benzema ayaa sii dheeraystay hogaanka horyaalka La Liga kadib markii uu gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu 3/1 uga badisay kooxda Real Sociedad kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Goolka uu dhaliyay xiddiga reer France ayaa ah goolkii 10-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo 2 gool ka horeeya xiddigaha ugu soo dhaw ee ku jiraa kaalinta 2-aad.

Xiddigaha Lionel Messi (Barcelona), Gerard Moreno (Villarreal) Iyo Loren Morón (Real Betis) ayaa dhamaantood wada leh min 8 gool oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale xiddigaha Lucas Pérez (Alavés) Iyo Luis Suarez (Barcelona) ayaa dhankooda leh min 7 gool horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Halka xiddigaha Daniel Parejo (Valencia), Maxi Gómez (Valencia) Iyo Willain Jose (Real Sociedad) ayaa wada leh min 6 gool oo horyaalka La Liga ah.

  1. Karim Benzema (Real Madrid) 10 Gool
  2. Lionel Messi (Barcelona) 8
  3. Gerard Moreno (Villarreal) 8
  4. Loren Morón (Real Betis) 8
  5. Lucas Pérez (Alaves) 7
  6. Luis Suárez (Barcelona) 7
  7. Daniel Parejo (Valencia) 6
  8. Maxi Gómez (Valencia) 6
  9. Willain Jose (Real Sociedad) 6
  10. Karl Toko Ekambi (Villarreal) 5
  11. Ángel Rodríguez (Getafe) 5
  12. Alvero Morata (Atletico Madrid) 5
  13. Lucas Ocampos (Sevilla) 5