Kenya oo Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya

1719

Sida uu qoray wargeyska afka dheer ee Daily Nation dowladda dalka Kenya ayaa wada qorshe ay ciidankeeda u gala baxeyso Soomaaliya, kuwaas oo ka howlgala gobollada Jubbooyinka, kuna jooga magaca AMISOM.

Daily Nation oo soo xiganaya ilo sirdoon ayaa sheegay in dowladdu ay ku dhawaaqday inay gebi ahaan la baxeyso ciidamadeeda ka jooga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in qorshahaasi ay wado, islamarkaana ay haatan dadaal badan ku bixineyso wasaaradda difaaca ee dalkaasi Kenya.

Wargeyska ayaa sidoo kale tilmaamay in Kenya arrintaasi ay wadahadallo gaar ah todobaadka soo socda kala galeyso Ururka Midowga Afrika, si loogu ogolaado arrintaasi.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya gudaha u soo galay sanadkii 2011-kii, balse waxay 2012-kii si rasmi ah uga mid noqdeen howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Kenya ayaa sidoo kale tan markii ay ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya wajaheysay dhibaatooyin amni, gaar ahaan weeraro uga imaanayey dagaalyahannada Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa hadda ku soo beegmeyso, iyadoo uu mad madow siyaasadeed haatan u dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo weli isku haya arrimo la xariira kiiska Badda ee horyaalla maxkamadda caaladda ee ICJ.