Kenya oo dadaal ugu jirta in Golaha Ammaanka uu soo farogeliyo khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

1593

Dowlada Kenya ayaa raadineysa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo farogeliyo muranka badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si aan rasmi ahayn arrinkan ugula hadlay Golaha Ammaanka in muranka xadka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu halis ku yahay xasiloonida iyo ammaanka gobolka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si aan rasmi ahayn arrinkan ugu Golaha Ammaanka in muranka xadka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu hali ku yahay xasiloonida iyo ammaanka gobolka.

“Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa labo toddobaad kahor muhiimada ammaanka gobolka uu u leeyahay muranka xadka badda waxa uu u sheegay Golaha Ammaanka.” ayay tiri Wasiirada Arrimaha Dibbada Kenya Monica Juma.

Kenya ayaa ku doodeysa in haddii Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda in dalal badan oo ku yaal qaarada Afrika ay saameyn ku yeelan karto xadadka ay wadaagaan.

Waxay aaminsan tahay dowlada Kenya in arrintan ay saameyn doonto xadka badda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Tanzania, Tanzania iyo Mozambique iyo weliba Mozambique iyo South Africa.
Dowlada Kenya ayaa ka baqaysa in ay lumin doonto dhul ballaaran oo muhiim u ah dalkeeda haddii loogaga guuleysto dacwada taal maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

Waxaa ay saxaafada Kenya daabacday in dowlada Kenya ay ka shakisan tahay dhexdhexaadnimada Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ Abdulqawi Ahmed Yusuf oo ah Soomaali.

Dowlada Kenya ayaa waxaa ay dhowaan ku eedeysay dowladaha Norway iyo Britain inay la safan yihin dalka Soomaaliya.