Kenya oo isaga baxday Kiiska Dacwadda Badda

1374

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku waramaysa in dowlada Kenya isaga baxday kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya xili beri oo isniin ah oo loo balansanaa in Maxkamada ICJ dhageysato kiiska dacwada badda ee u dhaxeeya labada dal.

Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in dukumiinti ay u dirtay Maxkamada ICJ ku wargalisay in aysan beri ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwadda badda kadib markii maxkamada diiday codsi Kenya ku dalbatay in dhageysiga kiiskan dib loo dhigo.

Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation dowlada Kenya ayaa ku eedeesay maxkamada caalamiga ee ICJ in aysan dhax dhaxaad aheyn ayna u xaglineyso dhinaca Soomaaliya uu kala dhaxeeyo kiiska dacwada.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki, ayaa qoraalka uu u diray maxkamada ICJ ugu sheegay in aysan Kenya diyaar u aheyn in ay kasoo qeyb gasho dhageysiga dacwada badda ee loo balansanaa beri uu isniniin ah.

Waxa uu sheegay Kihara Kariuki, in Kenya iyo kooxda difaaceysay loo diiday in fursad loo siiyo si ay u diyaar garoobaan, waxa uuna xusay cudurka Covid-19 owgiis Kenya weysay fursad badan ay ugu diyaar garowdo dacwadan.

Dowlada Kenya ayaa horey uga soo horjeeday in kiiska dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya la geeyo maxkamada ICJ, waxa ayna Kenya marar badan dadaal u gashay sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa muranka dhinaca badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.