Kenya oo qunsuliyad ka furaneysa Hargaysa

1363

Dowladda Kenya ayaa qunsuliyad ka furaneysa Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland kaasoo u muuqda mid u ololeynaya aqoonsi caalami ah.

Go’aanka ay Kenya qaadatay ayaa imanaya xili uu sii xumaanayo xiriirka Diblomaasiya-deed oo ay kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya in ay fara-galin qaawan ku heyso madax-bannaanida dhulleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Xafiiskan qusuliyada Kenya ayaa laga furi doonaa magaalada Hargeysa dhammaadka bisha Maarso sida lagu sheegay bayaan ay wadajir u soo saareen labada madaxweyne Uhuru Kenaytta iyo Muuse Biixi Cabdi Tallaadadii toddobaadkan.

Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya Talaadadii, maalin kadib markii Kenyatta uu ku dhawaaqay inu u wadahadal la yeelanayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi