Kenya oo shaacisay hab qarsan oo QM ay lacag ku siiso kooxda Al-Shabaab

1705

Diblomaasiga labaad ee ugu sarreeya dalka Kenya ayaa Qaramada Midoobey ku eedeeyay in ay dhaqaale siiso Al-Shabaab, taasi oo qeyb ka ah gargaarka Soomaaliya ee caalamiga ah.

Macharia Kamau, oo ah Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay 10% dhaqaalaha ku baxa gargaarka siiso Al-Shabaab, si ay u fududeeyaan in gaargaarkiisa la gaarsiiyo goobaha loo wado.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dhawaan meel mariyay qaraar diidaya in wax dhaq dhaqaaq xiriir maaliyadeed ah lala yeesho kooxaha argagixisada ah ama xitaa loo diro lacago goobaha ay ku suganyihiin.

Macharia Kamau, ayaa sheegay in qaramada Midoobey ay lacag ku bixiso sidii gargaarka ay geyso Soomaaliya uu u gaari lahaa goobaha ay ku suganyihiin Al-Shabaab loona gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee dhulkaasi ku nool.

Waxaa uu intaas ku daray in lacag dhan 12Bilyan oo shilinka Kenya ay ah Qaramada Midoobey sanadkiiba uga baxdo Al-Shabaab taas oo ay ku helaan oggolaanshaha gargaarka la gaarsiiyo goobaha ay ku suganyihiin.