Kenya oo sheegtay in Jubaland iyada katirsan tahay +VIDEO

1770

SOOMAALIYA WAY NA GUMAYSAN RABTAA ! Dhallinyaro Kenyan ah oo dhigta Jaamacadda Fort Hall College iyo Prefosor-kooda, ayaa soo duubay muuqaal ay halku dheg uga dhigeen inaysan bixinaynin wax ay ku sheegeen in yar oo ”dhulkooda ka mid ah”.

iyagoo ula jeeda dhul-badeedka ay sheeganayaan ee Somalia oo ay ku tilmaameen ”Al Shabaab iyo burcad badeed.”

Waxay sidii caadada ahayd ku celceliyeen inay Somalia abaal u galeen, qaxootigeeda qaabileen, meelo ay ku ganacsadaan siiyeen iyo tan ugu daran oo ah inay ”Somalia nabadeeyeen!” .

Waxaa se ugu darrayd markii ay sheegeen in aanay sina u aqbali doonin go’aan kasta oo kasoo baxa Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo ay sheegeen inuu ka taliyo nin Soomaali ah, intaana kuma harine waxay sheegteen gobolka Jubbaland ee koonfurta Somalia, wax loo arkay riyo maalmeed soo jeed ah.

”Kenya waa inay dalbataa ”soo celinta” Jubbaland, waayo Somalia waa diiddey inay aqoonsato xuduuddii 1924-kii oo ku dhacay heshiis dhex maray Italy iyo Britain.” ayay tiri gabadh ka tirsan dhallinyaradan oo ku doodday in maadaama aysan Somalia aqoonsanayn xad beenaadka u dhexeeya labada dal aanu ansax ahayn heshiiskaasi ”Somalia lagu siiyay Jubbaland”, sida ay ku doodday

Muuqaalkan oo lagu tilmaami karo hadaaq aan ku dhisnayn wax ka badan Riyo ayaa iska hor imanaya waayo marna waxay sheegayaan in la ixtiraamo heshiis uu gumaysigu galay marna waxay sheegayaan inaysan ixtiraamaynin Maxkamadda ICJ maadaama uu ”gumaystuhu samaystay.”

Somalia ayaa ku jira xilli ay cadowyo badan usoo malabsanayaan, iyadoo ay xitaa hawaysanayaan dalal aan abid ku dhicin sida Kenya, waxaana dhibku ka taagan yahay Somalia oo laga la’yahay siyaasad dhinac isu raacsan, iyadoo ay wax kasta doodi ka taagan tahay xitaa Xajkii iyo waxbarashadii oo la siyaasadeeynayo, waana arrin kaliya caawinaysa qadiyaadka cadowga dalka iyo danihiisa oo ay farsamo ahaan si cad uga soo horjeedaan rag badan oo haatan ku jira siyaasadda Somalia.

Looyar ka mida kuwa fariinta soo diray wuxuu sheegay in lix bilood kadib ay Kenya noqon doonto dal aan bad laheyn oo la mida Uganda iyo South Sudan, Waxayna sidoo kale ku baaqayaan in Soomaalida laga Qaxiyo Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.