Kenya oo xaqiijisay in Askar looga dilay Wajeer

1680

Todobo sargaal oo ka tirsanaa ciidanka booliska Kenya in dhaqtar ah ayaa lagu dilay weerar maqribnimadii shalay ka dhacay xadka Ismaamulada Wajer iyo Mandera.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar dhabagal ah ku qaaday Bus-ka Madiina oo ku sii jeeday Mandera kuna socdaalayay inta u dhaxeysa magaalada Kutulo oo dhacda ismaamulka Wajer iyo Deegaanka Wargaduud.

Taliyaha guud ee ciidanka amniga Wajer Mr Loyford Kibaara ayaa xaqiijiyay dhimashada askartan ka tirsaneyda waaxda booliska gaar ahaan kuwa la dagaalanka falalka Xadida.

Mr Kibaara ayaa intaa raaciyay in sadex ka mid ah askartan iyo qof rayid ah ay cagahooda ku baxsadeen kadib markii daaqadaha gaariga ay ka Boodeen.

Dhanka kale wuxuu xaqiijiyay in ay hada wadaan baaritaanka laba ka mid ah meydadka oo wali aan la aqoonsan Heybtooda.

Gaariga Bus-ka ee madiina oo marar badan ay sidan oo kale Al-Shabaab u weerareen ayaa waxaa saarnaa 56 ruux oo rakaab ah kuwaasi oo safarkooda ku wajahnaa magaalada Mandera.

Marka la gaaro dabayaaqada sanadka miilaadiga gaar ahaan bisha December ayaa dagaalyahanada Al-Shabaab waxay xoojiyaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha Kenya gaar ahaan gobolka waqooyi Bari.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Anteenada shirkada Isgaarsiinta Safaricom lagu burburiyay weerar dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ka Geesteen deegaanka Dhiciso oo qiyaastii 25 kiilo mitir dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Garissa.