Kenya oo xiranayasa xuduuda ay la leedahay Soomaaliya

1368

Dowladda Kenya ayaa laga yaabaa inay xirto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka ee dalkaas.

Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay inay macquul tahay in Dowladda Kenya ay xirto xuduuda Soomaaliya iyo Kenya maadaama uu sheegay inuu aad u faafay cudurka Coronovirus.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xuduuda laga xiri doono dhanka Wajeer, halkaas oo uu sheegay in laga diiwaan geliyey illaa 500 qof oo qabo cudurka COVID19.

” Xadka laga soo gudbo Wajeer iyo Soomaaliya oo laga helay in ka badan 500 kiis oo cudurka Coronavirus ayaa waxay u badan tahay in la xiri doono si loo yareeyo faafitaanka cudurka” ayuu yiri Kutahu Kagwa.

Wasiirka Caafimaadka si rasmi ah uma sheegin waqtiga la xiri doono xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka Wajeer, waxaana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid bulsho.

Dhawaan ayey aheyd markii dhawr qof lagu karantiilay Wajeer kuwaas oo ka imaaday gudaha Soomaaliya, waxaana maalmo kadib la xaqiijiyey kiisaskii ugu horeeyey ee Coronovirus in laga helay Wajeer.