Kenya oo xirtay Xildhibaano mucaarad ku ah Dowladda Xasan Sheekh

199

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa sheegaya in xalay labo xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya laga kaxeestay hotel ay kaga sugnaayeen magaalada Nairobi.

Xildhibaanadan oo lagu kala magacaabo Xildhibaan Xasan Cabdinuur iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ayaa la sheegay in ciidamo katirsan sirdoonka dalka Kenya ka xeesteen, kuwaa oo su’aallo dhowr ah weydiiyay labada xildhibaan.

Sida aan xogta ku helnay xildhibaannadan ayaa kamid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ka waday magaalada Nairobi oo hadda geed fadhi u ah siyaasadda Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaana daqiiqado badan kaddib lasii daayay, kaddib markii askartii katirsaneyd sirdoonka Kenya su’aallo ka weediiyay dhaq dhaqaaqyo ay wadaan iyo arrimo kale aan wali xogtooda la faah faahin.

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaan wali ka hadlin su’aalaha ay weydiiyeen xildhibaanadan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xildhibaannada ayaa iyana dhankooda ka hadlin waxii xalay qabsaday.

Xildhibaannadan ayaa lagu tuhmay in ay gadaal ka riixayaan mooshin ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh, waxaa sidoo kale la sheegay in xildhibaannadan wadeen abaabulka iyo isku keeninida xildhibaanno badan oo mucaarad ku noqda dowladda hadda jirta.