Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya aysan dalkeeda ka eryin safiirkii Soomaaliya u joogay ee Maxamed Axmed Nuur Tarsan.
Qoraal uu bartiisa twitter-ka uu soo dhigay ayuu ku sheegay in Safiirka Soomaaliya ee Kenya ay ka codsadeen in dalkiisa uu u aado wadatashi uu kala soo sameynaho Madaxdiisa xiisada taagan sidoo kale safiirkooda ay u yeereen si ay iyana wadatashi ula sameeyaan.
Qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Amb. Macharia Kamau ayaa u muuqda mid lagu saxayo sida Warbaahinta uga badashay qoraalkii xalay Wasaarada Arrimaha Dibada Kenya ay soo saartay.
Hayeeshee waxaa xusid mudan in Maanta uu Magalada Muqdisho soo gaaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya,sidoo kalena la filayo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay War.kasoo.saarto go’aankii kasoo baxay dowladda Kenya.