Khaatumo oo eedeysay Puntland

66

Maamulka SSC-khaatumo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku cambaareeyay fara gelin uu sheegay in Puntland ku hayso degaannadooda.

Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa ku eedaysay Puntland in ay fara gelin sharci-darro ah ku hayso degaannada Khaatumo islamarkaana carqalad ku waddo geeddi-socodka dhismaha Maamulkaasi.

SSC-khaatumo waxay sheegtay in Puntland is hor-taag ku samaysay gargaarkii loo waday degaannada Khaatumo islamarkaana joojisay tallaalkii loo waday sidoo kalena warbixino aan sax ahayn oo ku saabsan SSC la wadaagtay hay’adaha Caalamiga ah.

Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Puntland ugu baaqay in ay ka waan-toobaan tallaabooyinka ay ku tilmaantay fara-gelinta ee ka dhanka ah degaannada SSC-khaatumo.

Hoos ka aqriso bayaanka SSC-Khaatumo

6 February 2023, Shacabweynaha SSC-Khaatumo waxay gaadheen go’aan ah inay dhistaan Maamul u gaar ah, kaas oo ka dhabeeya rabitaankooda, Maamulkaas oo Dawladda Federaalku si buuxda u aqoonsatay inuu matalo kana arrimiyo Sool, Sanaag iyo Ceyn. Go’aan kaas oo ay soo dhaweeyeen Maamulka, waxgaradka iyo shacabweynaha Puntland waqtigii lagu dhawaaqay.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si adag u cambaareynayaa faragalinta sharci-darrada ah ee Puntland ku hayso arrimaha gudaha ee deegaannada SSC-Khaatumo. Puntland oo umuuqanaysa inay isku dayayso carqaladeynta geeddi-socodka iyo horumarka ka hanaqaaday deegaanadan, qaar ka mida madaxda usaraysa Puntland waxay ku hawlanyihiin tallaabooyin baalmarsan go’aamadii 6 February, kuwaas oo wax udhimaya wada dhalashada, daris wanaagga iyo iskaashi buuxa oo dhexmara labada Maamul.