Khayre iyo C/raxmaan C/shukuur oo diidan in Farmaajo kaqeybgalo shirka Dowlada iyo Mucaaradka

17

Waxaa soo baxay warar sheegaya warar sheegaya in Mucaaradka Golaha Mustaqbalka diideen in Madaxweyne hore Farmaajo ka qeybgalo shirka dhawaan xalane ku dhex mari doona Dowlada iyo Mucaaradka xili Dowlada Turkigu dhex dhexaadiyayaal ka yihiin .

Sida hore marar badan warbaahintu u tabiyeen Khayre iyo C/raxmaan C/shukuur ma ogola inay Farmaajo shir iskala soo muuqdaan iyagoona hore u hor istaagay ama mucaaradka kale uga dhaadhiciyay in Farmaajo xiligiisii uu tacadiyo badan u geystay Mucaaradka sidaas daraadeed aysan isku meel ka soo wada jeesan karin.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo saaxiib la ah Farmaajo isagu wuu ka duwan yahay mucaaradka kale oo maalin ka hor ayay ahayd markii ay gurigiisa shir jaraa’id iskula qabteen Farmaajo,dadka siyaasada Somalia taxliilaya waxay aaminsan yihiin in Sharii raali ka yahay in Farmaajo la soo fadhiisto marka ay Dowlada kula shirayan Xalane maalmaha soo socda.

lama yaqaan in Shariif iyo saaxiibadiisa mucaaraka sida Khayre iyo C/raxmaan C/shukuur inay ku kala tagi doonaan arinta Farmaajo iyo inay si kale isu maareyn doonaan iyagoon isku dhicin.