Khayre oo saaxiibkiis Mukhtar (Qooraansay) umagacaabay xil sare

2338

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka.

“Mukhtar Xuseen Maxamed (Qooraansay) ayaa loo qaatay inuu noqdo Maareeyaha Mashruuca Aqoonsiga Qaranka (Managing Director for the National ID Project), si uu usoo dhiso hay’adda Aqoonsiga Qaranka (National ID Authority), isagoo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Guddiyadii dhisnaa” . ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Mukhtaar ayaa hore uga tegay Hay’adda NISA oo uu ka ahaa Madaxa IT, markii ay isku dhaceen Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), isagoo heysta dhalashada dalka Norway sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay.

Magacaabiddan ayaa imaneysa xilli uu sii kordhay isku dhaca ka dhexeeya labada xafiis ee MW Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyre, waxaana mashruucan laga waday xafiiska Madaxweynaha iyadoo uu MW Farmaajo u magacaabay hoggaaminta mashruucan Nuur Diiriye Fuursada oo hadda ku magacaaban Agaasimaha xafiiska Madaxweynaha.