Khayre oo shirar ka bilaabay Muqdisho

1607

Mudane Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulankaan ayaa looga hadlaayay xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, heshiiskii Muqdisho iyo kaalinta aqalka sare ee xaaladda Soomaaliya.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sanadkaan.