Khayre oo xariga ka jaray Xarunta cusub ee taliska qeybta 21-aad +SAWIRRO

1743

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre xariga ka jaray dhismaha Xarunta cusub ee taliska qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin duleedka degmada Cadaado.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xildhibaano iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya oo safarka ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale munaasabadaas goob joog ka ahaa.

Khayre oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadaas ayaa ku amaanay dhismaha Xaruntan Taliska qeybta 21-aad iyo shacabka magaalada Cadaado oo ku dhisay barnaamijka Isxilqaan.