Kheyre Oo Dagaalkii ugu Cuslaa Kala Kulmaya Beeshiisa

1674

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowaan ka qaaday xilkii Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Gobalka Banaadir Dr Xuseen Dhagaweyne kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq, sida lagu xusay warbixin ka soo baxday xafiiska hanta dhowrka Soomaaliya.

Waxaa cadaatay in Dr Xuseen uusan xilkiisa ku waayin musuq maasuq balse uu jiray khilaaf culus oo bilooyinkii ugu dambeeyay kala dhaxeeyay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyre iyo Dr Xuseen, oo isku beel ah, ayaa isku qabtay fulinta amar ka soo baxay Raysal wasaaraha Soomaaliya kaas oo ku saabsanaa arimaha maaliyadda laakiin uu ka dhaga adeegay Xuseen.

Sida caadiga ah Gobalka Banaadir waxa uu lacag siiyaa odayaal, siyaasiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo taageero u ah Xukuumadda. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa hoos u dhacay dhaqaalaha Dowladda dhexe waxa uuna Kheyre Gobalka u soo wareejiyay shaqsiyaad kale oo Xafiiskiisa iyo kan madaxweynaha lacag laga siin jiray balse uu Xuseen u sheegay in uusan u awoodin lacagta dadkaan loo rabo, waana sababta keentay muranka Raysal Wasaaraha iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday.

Raysal wasaaraha ayaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska dadka lacagta gobalka qaata iyo meelaha ay ku baxdo lacagaha kale. Kheyre ayaa liiskaas ka dhax-helay lacag dhan 400,000$ oo ay bil walba qaadato Marwada 1-aad ee dalka Saynba Cabdi Macallin oo ah haweeneydii ka dambeysay in Guddoomiye laga dhigo Dr Xuseen islamarkaana ay yihiin qaraabo dhaw.

Xasan Cali Kheyre ayaa dalbaday in lacagtaan laga joojiyo ilaa amar dambe waana sababta keentay in khilaafka uu bilaawdo. Sidoo kale muranka kadib ayaa Dr Xuseen lagu qabsaday 170 qof oo uu gobalka ka shaqaaleysiiyay kuwaas oo ay usoo gudbiyeen Marwada 1-aad ee dalka iyo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo qaar uu isaga watay, waxa uuna u waayay jawaab aan aheyn inuu ku sameeyay amarka Marwada dalka oo booska keensatay, sidoo kalane ay qaraabo yihiin.

Muddo 2 jeer ah ayuu Kheyre Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday xil ka qaadista Dr. Xuseen balse markii 1-aad waxaa ka joojisay Marwada dalka, halka hada xil ka qaadistiisa lagu aadiyay iyadoo dalka ka maqan oo ku sugan dalka Turkiga.

Kulankii ugu dambeeyay oo ay yeesheen Xuseen iyo Kheyre ayaa ku soo dhamaaday isfaham waa iyo muran, waxayna soo dadajisay in Kheyre Madaxweynaha ka dalbaday in uu Xuseen meesha ka wado ama aysan socon doonin Shaqada Dowladda, is jiid dheerna uu banaanka u soo bixi doono.

Hada waxaa dood ka dhax bilaabatay Marwada 1-aad ee dalka Maamo Saynab iyo raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, khilaafkaas oo ku aadan arintaan iyo warqad la sheegay in Xuseen laga dhigay Airport-ka Muqdisho.

Lama oga sida loo xalin doono arintaan, balse waxaa muuqata in khilaaf aan sahlaneen uu ka dhax jiro Marwada 1-aad ee dalka iyo raysal wasaaraha Soomaaliya. Maamo Saynab saameen siyaasadeed oo aan yareyn ayey ku leedahay siyaasadda Soomaaliya iyo doorka hogaamineed ee dalka taas oo ka dhigeysa in Guddoomiyihii xilkiisa waayay heesto garab adag oo aan la loodin karin.