Kheyre oo gaaray Garowe +SAWIRRO

1575

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka wadatashiga ee berri ka furmaya Garowe.

Wafuud kala duwan ayaa ka qeyb galaya shirka Wadatashiga ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda, Amniga, kheyraadka iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxda Maamul Goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa si kala gaar gaar maanta gelinkii dambe u gaaray Garowe, waxaana soo dhoweeyay Madaxweyne Saciid Deni.

Waxaa weli tagin Garowe Garowe Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug, maalinta berri ayay tagi doonaan

Shirka Wadatashiga ayaa berri ka furmaya Garowe waxaana uu furitaanka shirkan uu ku soo beegmay, iyadoo uu khilaaf ka dhashay sharciga doorashooyinka oo ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada, isla markaana Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ay qaadaceen.