Kheyre oo Isbaheysi ka dhex sameystay Shrika Garowe

1647

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kula leh Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, iyadoo kulankan looga hadlayo wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo labadan Maamul goboleed.

Sida wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaaraha ayaa taageero ka raadinaya labada Maamul Goboleed oo xilligan lagu tiriyo inay u janjeeraan dhanka dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso in Gaashaanbuursi la tagto shirka Garowe, isla markaana ka faa’ideysaneysa in shanta Maamul Goboleed aysan xilligan hal dhinac wada aheyn.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in looga hadlayo sidii dowladda Federaalka iyo labadan maamul goboleed hal aragti oo mideysan ula tagi lahaayeen shirka ka furmaya Garowe.

Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa ku mowqif noqon Maamul goboleedyada kale Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ka soo horjeestay Sharcigii doorashooyinka ee maalin ka hor ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.