Kheyre oo la kulmay La Taliyaha Amniga ee Trump

1677

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Washington kula kulmay John Bolton oo ah La taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Kulankan oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay, kana mid ahaa balamada kulamada ee Ra’iisul Wasaare Kheyre ku leeyahay inta uu ku sugan yahay Washington ayaa looga hadlay arrimo kala duwan.

John Bolton ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ku sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya, kuna boggaadiyay dib u habeynta dhaqaalaha ee ay sameysay dowladda, isla markaana ku booriyay sidii loo joogteyn lahaa.

Sidoo kale arrimaha ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ah la dagaalanka Argagixisada iyo xasilloonida Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay soo dhoweynta Mr John Bolton u sameeyay, waxaana uu xusay inay ka wada hadleen dib u habeynta arrimaha dhaqaalaha, dib u habeynta Amniga iyo xoojinta xiriirka labada dal.