Kheyre oo lafaray inuu xilka deg deg uga qaado Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye

2051

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre inuu xil ka qaadis deg deg ah uu ku sameeyo Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si cad Golaha Shacabka uga hor sheegtay ineysan doorasho qof iyo cod ka dhici karin karin sababahan hoose ku xusan Awood:-

1: Inaan Jinsiyad jirin, Yaa Soomaali ah?

2- InaanTira-koob jirin.

3: Inaan Xisbiyo sharciyeysan jirin

4: Inaan Dowlad goboleedyadii sharciyadooda ka horumaray aan sharci loo sameyn.

5: Nidaamka Federaalka iyo nuuca la qaadanayo aan laga hadlin iyo Xuduudaha dalka oo kala xadidneyn.

Intaas iyo ka badan oo ay sheegtay ayay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya u sababeysay inaay dalka xilligan u diyaarsaneyn doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda loona baahan yahay inaan been loo sheegin ummadda Soomaaliya ee mas’uulka laga yahay.

Sidoo kale, Wasiir Khadiijo ayaa aad u dhaliishay amniga dalka halka uu marayo iyo deegaan doorashada Xildhibaanada oo amnigooda la isku haleyn karin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si aad ah uga carooday hadalka Wasiiradda,wuxuuna warqad xil ka qaadis ah gaarsiiyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,kaas oo ilaa iyo wax tallaabo ah qaadin.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la aamisan yahay iney ahayd qof si aad ah u la dhacsan xukuumadda Kheyre,waxaana lagu tiriyaa mas’uuliyiinta ku xiran madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ka doodayay sharciga doorashooyinka dalka iyo nuuca xilligan ku haboon in la qaato.